Deg-madaan Ku Noolahay, Nin Daryeel Yidhaahdaa Dulli Buu ku Qoran yahay Qalinkii cabdisalaan Mohamed Abas
Deg-madaan Ku Noolahay, Nin Daryeel Yidhaahdaa Dulli Buu ku Qoran yahay
Qalinkii cabdisalaan Mohamed Abas
Abwaan gaariye alle godka ha ku nuuro
Daarihii burburay shalay
Waxa Maanta kaga Daran
Iimaan Darnaan-tiyo
Nabaad-guurka Diintiyo
Kaga Dhacay Damiirkoo
Dal Waxaan ku Noolahay
Saddexdii Dalaaqood
Lagu Furay Dad-nimadii
Dal Waxaan ku Noolahay
Runtu Arag Daray-soo
Daaddihi La Yidhi ” Been ”
Hadday Dunida Ceeb Tahay
Dus-duskiyo Khiyaamadu
Noo Dabeecad Weeyaan.
Nin Dilaal ah Mooyee,
Deg-madaan ku Noolahay
Nin ” Daryeel ” Yidhaahdaa
Dulli Buu ku Qoran-yahay.
Hebel Laga Ducays-tiyo
Mana Laha Nin Dooroo
Dayaxii Usoo Baxa
Daamur Baa La Mariyaa.
Mooraal-kaana Laga Dilay
Danab-yadii u kici Laa,
Markii Geela Loo Diray
Ninkii Maqasha Daayacay.
Qalinkii cabdisalaan Mohamed Abas
Abwaan gaariye alle godka ha ku nuuro
Daarihii burburay shalay
Waxa Maanta kaga Daran
Iimaan Darnaan-tiyo
Nabaad-guurka Diintiyo
Kaga Dhacay Damiirkoo
Dal Waxaan ku Noolahay
Saddexdii Dalaaqood
Lagu Furay Dad-nimadii
Dal Waxaan ku Noolahay
Runtu Arag Daray-soo
Daaddihi La Yidhi ” Been ”
Hadday Dunida Ceeb Tahay
Dus-duskiyo Khiyaamadu
Noo Dabeecad Weeyaan.
Nin Dilaal ah Mooyee,
Deg-madaan ku Noolahay
Nin ” Daryeel ” Yidhaahdaa
Dulli Buu ku Qoran-yahay.
Hebel Laga Ducays-tiyo
Mana Laha Nin Dooroo
Dayaxii Usoo Baxa
Daamur Baa La Mariyaa.
Mooraal-kaana Laga Dilay
Danab-yadii u kici Laa,
Markii Geela Loo Diray
Ninkii Maqasha Daayacay.
Comments
Post a Comment