Magaca Somaliland Waxba Lama Wadaago Magaca Somalia

Magaca Somaliland Waxba Lama Wadaago Magaca Somalia
====================================================
Talyaanigu magac buu ula baxay dhulkii uu gumaystay. Magacaas oo ahaa "Somalia Italiano". Ka hor boqolaal sano waxaa dhulkaas la odhan jiray Bilaadal Cajam, oo Af Carabi ahaa. Haddaba Dagaalkii labaad ee Dunida ayuu Ingiriisku ka qaaday dhulkaas Talyaanigii, isaga oo Ingiriisku xukumayay 1945 ilaa 1950. Ka dib Jimciyadda Quruumaha ayaa Ingiriiskii ka qaadday oo si amaano ku meel gaadha ugu wareejisay Talyaaniga. Markaasna magaca uu ula baxay Talyaanigu wuxuu ahaa: "Amministrazione Fiduciaria Italiana Somalia", Oo loo soo gaabiyo AFIS. Oo macnaheedu yahay Wisaayaddii ama amaanadii "Somalia ee Talyaaniga".  Markay xorowdayna waxay la soo hadheen ereygii uu u baxshay talyaanigu ee ahaa Somalia. Markii lays raacay Somaliland, si Qayr Sharci ahna, waxay la baxeen labadii; "Jambuuriyadda Somaliyeed" (Somali Republic). Immika oo Somaliland ka noqotay midawgii 1960kii waxay Somalia iyana ku noqotay magaceedii u gaarka ahaa ee 1960 oo ahaa Somalia.
Haddaba Somaliland, Isticmaarka ka hor boqolaal sano, waxaa la odhan jiray Bilaada A-Somaal. Ingiriiska ayaa u tarjumay Somaliland, oo raaciyay ereyga British. Markay xorowday waxay iska reebtay ereygii Biritish. Oo waxay la baxday Jamhuuriyadda Somaliland. Haddana waxay la midawday Jamhuuriyaddii Somalia 1960kii oo waxay wada jir ula baxeen Jamhuuriyadda Somaliyeed. 1991 ayay ka noqotay midawgii oo ay la baxday Somaliland. 
Haddaba maanta waxba iskuguma jiraan oo waxay kala yihiin Somalia iyo Somaliland.

Comments

Popular Posts