Waa kuma Muse Bixi Musharaxa Kulmiye

? Marka aad akhrido, bal ka Cirro akhri.

1- Wuxu dhashay 1948-kii Hargeysa agteeda.

2- Wuxu galay malcaamadii Macalin Jamac iyo Sheikh Ibrahim Barawe ee Hargeysa

3- 1959-1966 Dugsiga Hoose & Dhexe ee Biyo Dhacay

4- 1966-1970 Dugsiga Sare Amoud; Borama

5- 1970-1973 Dugsiga Ciidamada Cirka; wuxu noqday Pilot diyaradaha (USSR).

6- 1973-1974 Ciidamada Cirka Somalia; Pilot diyaradaha Ciidamada Cirka. Hogamiye Xerada Baydhabo Ciidamada Cirka.

7- 1975 Hogamiyaha Ku Xigeen Xerada Ciidamada Cirka Balidoogle.

8- 1977 Wuxu ka mid ahaa Pilots-kii ka qayb qaatay dagaalkii Ethiopia iyo Somalia. Diyaradiisa waxa lagu soo riday Jigjiga, wuxu ku booday barashuut wuuna ka badbaaday. Diyaaradu waxay ku dhacday meel u dhow Hargeysa.

9- 1978 Wuxu noqday Gudomiye Ku Xigeenka Qaybta Baadhista ee Wasarada Difaaca Somalia.

10- 1979 Wuxu noqday Gudomiye Ku Xigeenka Xidhiidhka Arrimaha Dibada (Europe iyo USA) ee Wasarada Difaaca Somalia

11- 1981 Wuxu waxbarasho ku soo qaatay USA (Military College - Dayton, OH) wuxu bartay shuruucda iyo maamulka Saadka Ciidamada.

12- 1983 Waxa lagu xidhay Moqdishu iyada lagu eedeeyay mudaharaadyo ka dhacay Hargeysa. Waxa la sii daayay lix bilood dabadeed.

13- 1984 Waxa waxbarasho loogu diray USA; Lee College (Virginia)

14- 1985 Wuxu ku biiray Ciidamada SNM ee deegaankoodu ahaa Ethiopia. Wuxu noqday Hogaamiyihii Ciidamada Galbeedka.

15- 1987 Wuxu noqday xubin golaha dhexe ee SNM, xiligii shirkii Harar.

16- 1988 Wuxu noqday Madaxii Ciidamada Sirdoonka ee SNM

17- 1988 Dagaalkii SNM iyo Siyad Barre; Wuxu ahaa Hogaamiyihii Ciidamadii Qaybta Hargeysa. Dagaaladii Wajaale iyo Kala Baydh waxay ahaayeen kuwo culus.

18- 1988 Wuxu qayb way ka qaatay samayntii iyo dhismihii Golaha Guurtida

19- 1989 Wuxu Gudoomiye ka ahaa shirkii Baligubadle ee Madaxwayne Cabdirahman Tuur loogu doortay inuu noqdo madaxwaynihii u horeeyay ee Somaliland

20- 1989-1991 Wuxu ahaa Hogaamiyihii Ciidamada Nabad Gelyada ee SNM I qaabilsanaa Xeryaha Qaxootiga ee Darroor, Kam Abokor, iyo Dul Cad.

21- 1991-1993 Wuxu ka mid ahaa Saraakiishii SNM ee horyaal ka ka ahayd shirarkii nabada ee ka dhacay Berbera, Burco, iyo Shiikh.

22- 1993 Wuxu qayb libaax ka qaatay shirkii Borama ee lagu doortay Madaxwayne Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal.

23- 1993-1995 Wuxu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland (xiligii ay ugu xumayd ee qof kasta iyo reerkastaaba haysteen hub iyo ciidamo beeleed)

24- 1996 Wuxu qayb wayn ka qaatay dib u degintii iyo meelayntii Ciidamada SNM

25- Wuxu noqday beeralay iyo inuu geel dhaqdo oo ku noqdo noloshii dhaqanka u ahayd dadka reerka Somaliland. Illaa maanta wuu dhaqdaa geelii.

26- 2001 Wuxu ka mid ahaa siyaasiintii samaysay Ururkii Sahan.

27- 2002 Wuxu ku biiray xisbiga Kulmiye

28- 2008-2010 Wuxu noqday Gudomiye Ku Xigeenka Xisbiga Kulmiye

29- 2008-2010 Wuxu Jamacada Hargeysa ka bartay (Conflict Resolution and Leadership) oo ku qaatay shahaadad

30- 2010-Imika Wuxu noqday Gudomiyaha Xisbiga Kulmiye; markii Axmed Silanyo ku guulaystay doorashada madaxwaynaha

31- 2015 Wuxu noqday musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga Kulmiye

32- Guulaha ugu waawayn markii uu ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Waxa ka mid ahaa kuwan hoose ku qoran:

- Dhismihii laba Gole ee barlamaanka & Guurti
- Dhismihii Ciidamada Qaranka
- Hub ka Dhigistii Maleeshiyoodkii reeraha
- Qaramayntii Illaha Dhaqaalaha sida Dekedaha iyo Airport-dada
- Dhismaha Ciidamada Nabadgelyada Policeka Iyo Ciidamada Jeelasha
- Furitaankii Police stationadii ugu horeeyay ee lagu sugay nabada qaranka

Comments

Popular Posts