Maxkamada Sare ee wadanka Kenya ayaa waxba kama jiraan

Maxkamada Sare ee wadanka Kenya ayaa waxba kama jiraan
ka soo qaaday natiijadii doorashada ee wadanka Kenya, ka dib markay cadaatey in ay jireen madmadow faro badan iyo iyada oo aan la raacin sharciga. Maxkamadu waxay amartay in 60 cisho gudahood lagu qabto doorasho kale!

Waa markii ugu horaysay ee dimuqraadiyada Africa ay maxkamadi ka garnaqdo go’aan doorasho oo waliba ay laasho natiijada doorasho loogu dhawaaqay  Madaxweyne kursiga ku fadhiya.

Halkan cashar weyn baa inoogu jira hadaynu nahay reer Somaliland, oo hada doorashooyinkeeni ay wax yari ka hadheen:

Maxkamadeena Sare ee dastuuriga ahi sidan oo kale “Alleba kama dhige” hadii lagu murmo natiijada doorashada!  sidan oo kale inta ay u eegto cabashooyinka ka yimaada xisbiga laga helay doorashada ma ka soo saari doonta go’aan xor ah oo ku dhisan sharciga, dhagaysiga iyo cadaymaha la horkeenay Maxkamada?

Xisbiga cabanaya isaga oo ku kalsoon Maxkamada Sare, dacwadiisa maw gudbisan  doona si nabdoon intii uu shacabka isku kicin lahaa?

Shacabka laftiisuse samir maw yeelan doonaan in ay ka war-sugaan go’aanka maxkamada mise iyaga oo qadarinaya qabiilka ayay isku yaacyaaci doonnaan?

Comments

Popular Posts