Xusuus 17aad Waayihii nolaleed ee Jeneral dolaalal halhali

Xusuus 17:  markan fasaxi hargeysa ayaan soo gaadhay madaama aan sii socodka iyo soo socodkaba ka qalin jebiyay, Waxaan isu diyaariyey inaan reerihi gaadho, lkn ogeysiis aanan ku xisaabtamin aya idaacada laga sii daayay. Ku laha:  waxaa dhamaan  ardayda dugsiyada dhigata la ogeysiinaya inay iska xaadiriyaan  xerada ciidamada xds ee ugu dhow iyago la siin doono tababar ciidan, iyado ardeygii aan amarkan fulinin loo ogolaan doonin Inu schoolka ku soo noqdo. Arday walba  waxaa cadeyn Inu tababarkaas soo qaatay laga soo siin doona goobta u tababarka ka soo qaatay!  Markan xaaladi wey isbedeshay,waa in aan xaaladan cusub u diyaar garooba.  Durba waxaan iska xaadirina garoonki xerada militeriga  ee Hargeysa ( garoonka kubada ee hadda), aagaas u dhow oo dhani waxay ahayd kayn iyo goobo askarta lagu tababaro xata meesha ad hadda Birjeex u taqaanaan.

Wixi hadda ka horeeyay waxa askarta lagu ciyaarsiin jirey af Ingiriisi iyo af Talyaani, lkn saaka waa nala safay, waxaa hortayada soo saftay macalimiinti na ciyaarsiin lahayd, waxa hadlay chief inspector Siciid Xaliye iyo seargant major Caabi, labadooduba wa reer waqooyi iyo dhowr sotto ufficiale oo reer koonfureed ah. Saaka waxa naloo sheegay in af soomaali la isku ciyaar siin doono ( dig,digtoonow,naso,bidix jeedso, midig jeedso, dib u jeedso, horey u soco, joogso) aya muddo saacad ah naloogu celceliyay, anaga iska daaye iyaga ayay ku adagtahay oo qosli,  oo weliba Siciid Xaliye riwaayad ayu ka dhigay ilayn ila ingiriiskii oo macallin ciyaarsiis aha ayu ( attention, right turn, left turn, forward match, back match,stop ta hayaye), . Maalinti  1aad intaas ayay tabari naga ahayd, lkn waxa aydaan arkayn marki maalintaas magaaladi hargeysa ahayd iyo xaafadihiiba aan dig iyo digtoonow kala daalay ee aan wareerineyba!! It was  very funny!, qofki nala hadlaba " digtoonow ayaan gadhka u gelina"! Aad ayay af soomaaliga cid  walba u xiiseynaysay!! Saaka wa Horeysay Digtoonow iyo Naso!!

Mudo  bil iyo badh ah ayaan tababar qaadanay ila la gaarey maalinti xoriyada ee 26juun oo aan dabaaldegi ka qaybgalay, aniguna waxaan noqday ardeygi ardeyda watay ee ugu horeeyay ee sarkaalkii calanka wadey ee ugu horeeyay daba socdey  ( captain Muuse Xassan oo si quruxbadan u lebisan),  horinta 1aad ee ugu horeysaa waxaan ahayn dugsiga sare ee Banaadir iyo NTEC-lafoole oo reer Muqdishow ah. Dhamaan ardeydi tababarka ka qaybgashay waxaa nala siiyey shahaadooyin cadeynaaya inaan tababarki militeriga ka qaybgalay.ciyaarsiiska ka sakow waxaa intayada waaweyn nala barey qoryaha fudud iyo waxooga taaktiko dhiboo ah. ( xusuuso inaan boy scout ahaan jirey ama aan esir ahaanba  intan horey u aqaaney).

schoolada hargeysa waxay ahaayeen dhowr: 1. Ahmed gurey double intermediate school, 2. Biyo dhacay intermediate school, 3. Trades school, side kale elementary schools oo  aha: sheikh Bashiir, New Hargeysa, Qudhac dheer, Dunbuluq, biyo dhacay iyo Shacabka elementary school. Dugsi sare haba sheegi!!! Intaas waxa waxa soo raacaayey girl's intermediate boarding school iyo 2 elementary school oo Daruuraha iyo Shacabka ku kala yaalay!!!
^
Fasaxi wax yar ayaa ka hadhay, markan aabo ayay fariin iga timid, waa in aan reerki  adaa,  waan tegay, Awaare ayu kordegan yahay, aabo wa aroos oo magaaladu jooga, raga oo dhan maalinti magaalada ayay u dhaadhacaan lkn anigu reerka ayaan jooga madaama aan ku diiwaangashanahay inaan Soomaaliya jiro oo haddi la ii arko la ii xiidhi!! Dhowr maalmood kadib intaan siddi geeljiraha u lebistay oo  aan magici walaalkay isku rarey ayaan magaaladi tegay oo aan aabo oo aroos ah gaadhay. Wu naxay marku ii arkay, lkn maxaan sameeyaa elayn fasaxi waa dhamaad, jidki dheera ee ila Xamarna wu I suggi aabihi ii yeedhayna arooskiisa ayu iskaga jiraa. Waxooga kadib suuqi iyo dukaankayagi ayaan imid!!!  Lkn magaaladi yaa aamuseen mid walba " alla wa Doolaal ayu leeyahaye", durba ninkeygan geeljira ihi waan fashilanahay, wa tan xabashidi is keentay!!! Warya magaca, Axmednuur, xageed ka timid?? Geelii geeli,jaaka jaaka!!!! Antee Dolaal aydalem??? Aniga Axmednuur, Adan Xaalxaali liji !!!!  Waqtigu wa casar , odoyaashi iyo dadkii kalaba wey qayilayaan!!!!

Durba labadi askari ee xabashida aha midba gacanta ii qabtey isago leh, antee Dolaalnow!!! Dadku iyagoon waxba xumee is lahayn, ayay leeyihiin Dolaalbay xabashidi qabsatay! !! Xagaas iyo saldhigi booliska la ila dhaqaaq!!!! Ciyaalkii huuuuuuuuu iyo dagaal nimanki ku  bilaabe!!!! Adeero Suldaan Moxamed Askar oo shaabuugiisi caanka u ku ahaa wata aya qayladi maqlay!!! War maxa dhacay??? Suldaan ina Aadan Xaalxaali oo geeli ka yimid ayay xabashidani doonayaan in ay Dabiyada ku so xiraan!! Suldaan Mohamed maba sugine sadex ayu candhada xabashigi gacanta ii hayey u geliyay oo weliba isago xanaaqsan u shaabuugi la dabagalay, ana intay Gurdama ( wa magaci dhalinyarada Awaare loo yaqaanaye) hareeraha iga galeen oo aan xagaas iyo Baliga oo biyo ku jiraan dhinaca bidix ka marey oo aan Cismaan Tiile ka bowday oo aan wadada Sugumaha afka saarey, oo aan waxooga kadib dhinacaas iyo Xabaala shariifta u leexday oo aan ka sii gudbey ayaan reerki oo Caraale lugbuur ku jira gaadhay iyado cadceedo soo jeedo!!!! Labadi askarina xaroodoodi ayay orod ku tageyn iyago la shaabuugeeyay oo ciyaalkiina eryanayaan. Waxa durba la soo direy askar badan oo magaaladi lagu soo daayay lkn wa la ii waayay iyado magaaladi  ku adkeysatay inaan aha will ina Aadan ah oo geeli ka yimid eegana u reerki miyiga u caraabey ee aanu Dolaal dhulka iman ee u soomaaliya jiro, lkn key askartu Dolaal moodeen u yahay walaalkiisa ka weyn ee Ahmednuur. Aabahaygi arooska aha ee aan maanta gurriga aayadeeda cusub kala qadeeyay xagaas iyo daabiyadi aya loo kaxeeyay lkn marku ku adkeysatay in askartu khaldantahay oo ay been sheegayaan aya dhiisigji magaaladu ee Ato Shafare oo dukaankayaga biilka ka qaadan jirey amarey in odeyga la sii daayo,isaguna aroorti keeno wiilka lagu muransanyahay!!!!  Aroorti waxa magaalada tagey walaalo Ahmednur oo sheekadi lala qabasiiyey oo la yiri " bal eega ninka ay leeyihiin wa Dolaal", askarti oo indhohoodu Shan yihiin aya la qaadsiiyey in ay khaldanyihiin oo ayna dadkaba kala garaneyn!!! Odoyaashi magaalada aya weliba askarti daalac u raacay oo ku dacweeyay in ay maalin walba dadka  miyiga ka soo dhadhaca ay dulmaan oo xata mararka qaarkoodna dhalinyarada magaalada jooga ay masabitaan iyago baad ka doonaaya! !! Askarti iyago soo taagan oo is difaacaya ayaa la qaadsiiyey oo weliba gurdamana foodhi iyo bayuur ugu sii Darren!!!

Dhowr maalmood kadib aabo aya reerki noogu yimid, shir qoys kadib,aniga wa la ii soo anbobixiyey, waana la ii soo duceeyay!!! July 1966 wa markii igu danbeysay ee aan dhulki hooyo igu danbeysay,waana markii igu danbeysay ee aan reerkayagi, geelayagi, adhigayagi, waalidkay ,walaalahay iyo magaaladeydi Awaare arko!!!! Waxaa dhulki hooyo igu xigtay August 1980 oo ay isku dhaceen madaxdi sare ee Gaaski " Duufaan" ee jabhadi soomaali galbeed oo aan dhexdhexaadin iyo xalin khilaafkooda u imid anigo ah G/le sare ,madaxa " Hogaanka guud ee CQS ee soomaaliyeed," ano muddo 2 blood ah joogay gudaha dalka oo saldhig ka dhigtay tuulada Dig oo ahayd xarunta Gaaska Duufaan!!! ( waqti danbe ayaan faahfaahin doona siddi Gaaski Ahmedgurrey iyo Duufaan looga takhalusey ee aan dib ugu laaabto ,socdaalkaygi u danbeeyay ee dalki hooyo ee 1966ki).

Duco  waalid iyo soo anbobixid kadib, waxa iso kaxeeyay Mohd Ahmed Tubi oo walaashay qabay oo asal ahaan reer Hargeysa aha (fasax kasta isaga iso kaxeyn jirey lkn kani waa u danbeeyay), Waxaan lug ku nimid  " warta  Cabdi Ciise" oo aan bbuur ka soo raacay oo aan Hargeysa ku imid oo aan maalmo kadibna Xamar uga sii gudbey oo aan nabad tagay,!!! Markan waxaan ahay form 3 iyo 1966!!!! La soco qoraalka qaybtan ugu danbeeya!!!!
NB: Suldaan Mohd Askar waa  danbe ayay Xabashidu Dig ku dismay!!!

Comments

Popular Posts