#Ruug_Caddaa_Haddaad_Maqasho_Waa_Qof_Awoodiisu_Tahay_Italkiisii_Tegey.

Qofka meel xil ama shaqo isku mid ah fadhiya 5 sanadood oo isku xigta, wixii intaa ka danbeeya aragti fiican oo uu soo kordhin karaa ma jiro. Wuxu noqonayaa qeyb ka mida mushkiladii marka horeba loo direy inu xal u keeno. hadduu 8 sanadood joogana, wuxuuba ka qeyb qaadanayaa duminteeda. Haddey u fiirsato ummadaha dumey sida Zair, Iraq, Mozambique, Libya, Masar, Yuguslavia, Yemen, iyo dalal la mida waxa qeyrkood ka reebey ruug caddaa maskaxdu caddaatey oo aan keeni karin fikir cusub, aan laheyn aragti, awoodiisu ay tahay itaalkiisii tegey, garaadka la col ah.
.
Ruug Caddaagu waxa uu yaqaano wixii uu hore u soo arkey oo u sideedii u qabtaa. Ma jecla in wax la bedelo amma si kale wax loo qabto. Wixii la weydiiyo waxa uu kaga jawaabayaa sidii uu hore u soo arkey amma u yaqaaney. Wixii cusub oo dhami xagiisa waa qalad. Wax cusub ma arki karo amma ma keeni karo.
.
Ruug caddaaga waxa loo dhiibta shaqada ad dooneyso iney si nidaamsan u socoto oo sidii ad uugu dhiibtey ad uugu timaado. Qofka dhalinyarada ah ee fikirka cad waxa laga yaabaa inu xagga hore wax ka qalqaldo maadama aanu waxan hore u aqoon. Balse qaladkaasi iyo dhiiranaanta ayuu ku keenayaa fikir cusub oo uu curin wax aan hore u jirin. Ugu danbeysta, qofka maskaxda dihin ayaa fikir cusub iyo curin keeni kara.
Xaaladda ad ku jirto haddii ad ku qanacsantahay, ruug caddaa talada dhiibo. Haddii ad jeceshahay waxa ad ku jirto wax ka duwan, qof hadda u diyaar ah inu ruuggu caddaado wax u dhiibo. Ruug caddaagu maha oo keli ah da’da. Waxa dhici karta inu jiro qof aan da’diisu xoog u weyneyn balse isku shaqo uun muddo dheer hayey oo haddaad wax weydiiso inu sida cajaladda kuugu jawaabo mooyee aan si kale u dhigi karin. Ruug cadaaga haddii sidii uu yaqaaney wax yari iska bedelaan wey iskaga dhex yaaceysaa.
.
Ciladda kale ee ruug caddaaga shaqadu leeyahay waa isaga oo niyadjebiya qofka firfircoon ee jecel inu hore u dhaqaaqo. Hadalada ruug caddaaga waxa ka mida, sidaasi sax maaha, lama ogola. Sidaa looma sameeyo, waa khalada. Balse haddaad weydiiso waxan ad leedahaya lama ogogla yaan ogoleyn kama jawaabi karo. jawaabta keli ah ee uu ku siiyaa waa inu ku tuso in sidaa uun wax loo qaban jirey.
.

Umadaha is bedelka dhabta ah sameeyey ee guuleystey badankooda ama gebi ahaantood waxa ay heleen hoggaamiyayaal dihin oo diyaar u ah inu ruuggu caddaado oo aan hore wax badan u soo hoggaamin, balse leh aragti fog iyo damac. Waa hoggaamiyayaal caqliga iyo muruqaba xoog ka ah oo isu diyaariyey iney orod dheer galaan. Bal Melez Zenawi eeg, Paul Kagame ka waran, Hugo Chavez ma maqashey, Bill Clinton sidu dhaqaalaha ka dhigey ma lagaaga sheekeeyey. Intuba waxa ay hogaamiyeen dalal dhib ku jira markaasey cirkaa kor u qaadeen. Midkoodna Ruug cad iyo madax cad toona muu laheyn ee waxa ay ahaayeen rag iyo dumar aragti cad.

Comments

Popular Posts