DIMUQRAADIYADDU WAXA AY U BAAHAN TAHAY MUWAADDIN XOR AH
Dabaceedda koowaad ee ay dimuqraadiyaddu leedahay waa; xor ahaanshiyaha hab-fekerka shakhsiga u gaarka ah oo loo madaxbanneeyo. Qof walba waxa uu rabo in uu sheego, sida uu saxda u arko in uu ra'yigiisa u cabbiro, cidda uu doono in uu taageero, waxa uu rabo ha ku taageero eh.
Marka ay sidaa tahay, waxa iswayddiin mudan haddiiba qofka dimuqraadiyadda ku dhaqmayaa aannu aqoon, xigmad iyo dhaqaale ahaan dhisnayn sidee ayuu xor u noqon karaa ee uu edaab, dhawrsanaan iyo mabda u yeelan karaa isaga oo aan haysan baahi kaaftoonkeed? Tusaale ahaan, ummad in ka badan 96% la nool daryeel la’aan sidee ayey xumaan, musuq, eex iyo xaddaarad-darro u ga xoroobi kartaa?
Cidda dawladnimada dimuqraaddiga ah qaadanaysaa waxa ay u baahan tahay aqoon iyo caqliyad sare, waxa kale oo ay u baahan tahay ka hor inta aan dimuqraadiyadda la qaadan dhaqaale iyo dawladnimo dhisan in ay ku dhex nooshahay oo uu wacyigeedu korreeyo. U fiirso dhammaan dalalka dimuqraadiyadda ku naajaxay goorta ay nidaamkan qaateen.
Tusaale ahaan, Japan goorma ayey dimuqraaddi noqotay, Maraykan, Yurub iyo Ingiriis goorma ayey nidaamkan qaateen? Jawaabtu kuu soo baxaysaa waa goor aqoon saynis iyo mid tiknoolojiyadeed la helay, goor ay ilbaxnimo jirtay, goor dhaqaale dhismay, goor dadka moodkoodu koray. Afrika oo aynnu innagu ugu horrayno waxay qaateen wax aaney aqoonteedii iyo haynteedii adduunyo midna gacanta ku hayn oo aaney waxba badan ka garanahayn. Waa waxaa waxa leelleelinaya ee ay isaga hor iyo daba wareegayaan.
Cabdisalaam mohamed abas
Comments
Post a Comment