Culimada ku hawlan daraasaadka amniga adduunka (international security studies) marka ay ka faalloonayaan dhibka burburka saddex dhinac ayey ka eegaan; dooddooda ugu weyni waxa ay tahay; colaaddu waxa ay keentaa burbur - burburkuna saddex ayuu u qaybsamaa
Culimada ku hawlan daraasaadka amniga adduunka (international security studies) marka ay ka faalloonayaan dhibka burburka saddex dhinac ayey ka eegaan; dooddooda ugu weyni waxa ay tahay; colaaddu waxa ay keentaa burbur - burburkuna saddex ayuu u qaybsamaa:-
1. Burbur ku yimaadda nafta - waana dhimasho iyo dhaawac filaan iyo la ma filaan ah, kaas oo si aan kala sooc lahayn u galaafta maatida, haweenka, waayeelka, birimagaydada iyo dhallinta. Filaan waa in burburku galaafto cidda wadda ee dagaalka ku hawlan. La ma filaan waa in uu galaafto oo uu khasaare badan gaadhsiiyo dad iyo duunyo aan shuqul kun lahayn hal abuurka colaadda. Dilkaa, tacaddigaa iyo dhimashadaa burburka colaaddu keentay waxa uu galaaftaa dhaqankii iyo ruuxdii sameyd ee ummadda
2. Burbur ku yimaadda hantida/dhaqaalaha - waa burburka maalka, dhulka/dhismaha, waana calool istaag dhaqaale kiisa ugu baaxadda weyn. Hanti burburka iyo calool istaagga dhaqaalena waxa uu keenaa iimaan beelka ummadda.
3. Burbur ku yimaadda ruuxda iyo dhaqanka. Waa halkan halka aynnu u soconnaa e, burburka ayaa keenaa in ay aasanto runta iyo xaqiiqada noloshu. Burburka colaadda ku yimaaddaa ummadda waxa uu ku keenaa dhaqan-geddis dhanka maanka iyo hab-fekerka ah. Waxa kale oo uu burbur baaxad weyn ku keenaa ruuxda, waxana meesha ka baxa iimaankii, akhlaaqdii, damiirkii wanaagsanaa iyo dadnimadii.
Marka uu halkaa xaal maraayo, edab-darro oo dhan ayaa soo shaac baxda. Waayo ruuxdii ayaa dhaawacantay dhaqankiina waa uu burburay. Wax wal oo bulshada ceeb ugu muuqday meesha waa ay ka baxeen, xaaraantii way xalaalowday, beentii runtii gees ayey isaga leexisay, dulmigii, dhicii iyo boobkii nolosha dhexdeeda caadi ayaa loo arkay, shakhsigii in uun wanaag ku hadhay waxa ka hor yimi muujado xun oo dad ah.
Muujadahaa xumi waxa ay meesha ka saaraan wax wal oo wanaag bulsho ah. Tusaale ahaan, waxa ay baabi’iyaan Afka iyo dhaqanka, aqoonta iyo ilbaxnimada, horumarka iyo dhaqaalaha, caafimaadka bulshada, cadaaladda iyo sinnaanta muwaadiniinta. Taa cakiskeeda waxa ay xoogeeyaan dib-u-dhaca bulshada, waxa ay meesha ka saaraan taariikhda inteeda wanaagsan inteeda xun na waa ay baahiyaan, waxa ay shaqo tiraan xirfad laha, xirfad-laawahana waayihiisa ayey muujadaha xumi wanaajiyaan.
Comments
Post a Comment