HUNGURI iyo SHARAF Meel Ma Wada Galaan.
.

Mohamed Abdiraxman (Lugooyo) AHUN, wuxu ahaa nin fara badan – Sarkaal ciidan, Abwan, Siyaasi iyo Bulshaawiba. Waxan an wada shaqeyn jirney 1995 illaa 1997 oo xiligaa an diyaarin jirney manhajka dugsiyada. Isagu waxa uu madax u ahaa gudigii qorayey buugaagta Culuumta Bulshada. Intaa ka sakow waxa uu naga caawin jirey arimaha dawladda naga gala maadaama uu ahaa saaxiib aad uugu dhow madaxweynihii markaa joogey ee Mohamed Ibrahim Cigal (AHUN). Wax kasta oo carqalad ah oo naga horymaada isaga ayaan kala tashan jirney oo soo dhameyn jirey.


Dadka mashruucan manhajka ka shaqeeyn jirey oo tiradoodu aheyd illaa 100 qof waxa ay qaadan jireen mushahar an u maleynayo inu ahaa $300 bishii. Maalin maalmaha ka mida ayuu Mohamed Abdirahman ii yeedhey aniga oo mashruuca hawlwadeen ka ahaa iyo Abdillahi Yassin “Abdillahi Shaandho” oo madax ka ahaa Xarunta Horumarinta Manaahiijta ee Hargeisa, wuxuuna naga codsadey inaan laba bilood mushaharkiisa u sii qadinno maadaama uu tegeyo Jabuuti oo uu isku soo daweynayo.


Mohamed waxa uu in badan nooga sheekeyn jirey xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya isaga iyo madaxweynaha. Wuxu noo sheegey in maalmaha uu isku yara buuqsanyahay ina Cigaal uu odhan jirey waar kii Lugooyo iigu yeedha. Lugooyo oo ahaa nin aad u bulshey ah wey sheekeysan jireen oo wuxu ahaa ninka uu madaxweynuhu ku nafiso ee ay si saaxiibtinimo ah u sheekeystaan.


Lugooyo ayaan ku idhi waar ninkaagii an islahaa madaxweynaha isagaa uugu dhow oo manta waxa uu uuga baahdo intey doonto ha leekaate uu siinayaa, waa maxay dhowrkan boqol ee doolar ee horumarinta ah ee ad na weydiineysaa. Xaajiga u tag oo kharashka safarka iyo ka dhakhtarkaba ka soo qaadh.


Lugooyo intuu nagu qosley ayuu sheeko noo galay. Wuxu yidhi u maleyn mayo inu noolyahay qof ibnu aadam ah oo madaxweynaha iiga dhow. Waxa dhacdey ayuu yidhi maalin anaga oo madaxweynaha la fadhina oo ay joogaan odayaal iyo Wasiirro ayuu madaxweynuhu nin siyaasi ah ka cawdey isaga oo cadheysan. Markuu madaxweynihii hadalkii dhameeyey ayaan ku idhi buu yidhi, waar ina Ibraahinow kibir ayaa ku hayaa ee ninkaa hebel ah adaa ka gardaran ee meel fadhiiso. Cigaal oo markii uu hadlayey hadalkiisu dalacnaa oo xanaaqsanaa, ayaa markii an hadalkaa ku idhi inta uu dib u fadhiistey yidhi, maxaan ku gardaranahay?.  Odayaasha iyo wasiirada meesha fadhiyaa indhaha ayay taageen sida an u wada hadleyno. Waxan ku idhi ayuu yidhi, ninkaasi si hagar la’aan ah ayuu kuula shaqeeyey, adna markii ad ka dan dhameysatey ayaad iminka cidlo kaga tagtey. Waa abaalkaa hadduu manta kaa soo horjeesto. Markii uu hadalkii cabbaar socdey ee la kala tagayey, ayuu madaxweynihii yidhi waar ina Cabdirahmaanow ha tegin ee I sug. Markey dadkii kale baxeen ayuu ku yidhi, waar bal ninka la soo hadal oo waxan uu tabanayo weydii.

Wuxu yidhi, muu jirin qof ina Cigaal runta u sheega oo si toos ah uula hadlaa. Sababta ay Lugooyo uugu suuragasheyna inu sidaa yeelaana wuxu ku sifeeyey isaga oo aan wax weydiisan jirin. Wuxu yidhi dadkan kale oo dhami dan ayay ka leeyihiin oo waxbey ka rabaan. Qaarna waa dawladiisa oo wuxu yidha haa mooyee hadal kuma soo celiyaan. Wax si caadi ah uula hadla anaa jira ayuu yidhi waayo horena wax uugamaan qaadan iminkana wax kama rabo. Wuxu yidhi habeenada qaarkood ayaa marka an ka soo baxo een isasoo macasalaameyno an u sii lugeeyaa gurigeyga oo ku yaalla Xero Awr. Waana taasi ta an kaga adkaadey waayo haddii an wax weydiisan lahaa imuu ixtiraameen. Markaa ninkeygaa ad aragtaan ee madaxweynaha ay saaxiibka yihiin, waxa an sahey ka sii dhiganayaa waa mushaharkaa ad ii sii qadimeysaan.


Markii uu geeriyoodey Mohamed Abdirahman (AHUN), waxa lagu aasey meel u dhow “Badhka” (meeshii dadka lagu toodan jirey) oo dad badan oo an ku jiraa ay ka soo qeyb galeen. Xabaasha markii la qodayey dadkii u soo horeeyey waxa ka mid ahaa madaxweyne Cigal iyo Mohamed Abdirahman aabihii. Markii meydka xabaasha lagu foorariyey, ayuu Cigaal yidhi, walle ninraggaa manta baxay.


 Sheekada wax iiga soo baxay, in sharafta iyo hungurigu aaney meel wada gelin.

Comments

Popular Posts